Qasiidooyin
KU SAABSAN ILAAHAY
Waxa aanu nahay koox ay ka go’an tahay in ay Ilaahay ula yimaadaan tukasho, soon iyo duco. Si boqortooyada Ilaahay ay ugu fiddo Soomaalida, una helaan janno.
Waxa aanu doonaynaa in dadkayagu caabudaan Ilaaha runta ah, Ilaahaas oo ah Ilaahii Nabi Ibraahim, iyo Nabi Isxaaq, iyo Nabi Yacquub, iyo inay raacaan Ciise Masiix.
Waxa Aan Ku Ducaysanaynaa
1 - SAMADA OO FURANTA
Ilaahay waxa aan ka baryeenaa Roob Ruuxi ah, oo dhul kayaga ku soo daata, iyo in dhulkayaga Ruuxa Ilaahay ka buuxsamo.
2 - QALBIYO FURAN
Ilaahay waxa aan waydiisanaynaa in uu qalbiyada dadkayaga jilciyo.
3 - GACMO FURAN
Waxaanu Ilaahay waydiisanaynaa in uu na siiyo shaqaalayaal beera siidhadhka, ama midhaha Warka Wanaagsan ee Ilaahay.
ILAAHAY U CAABUDA
Waxa aan dadkayaga u diyaarinaynaa soo noqoshada Masiixa. Waxa aanu tababaraynaa jiilal rag iyo dumar ba isagu jira, si ay u doondoonaan Ilaahay, qalbigooda oo dhana ugu jeclaadaan.
ILAAHAY U CAABUDA
Xerta cusub ayaanu baranaynaa sidii ay u tukan lahaayeen iyo sidii ay u soomi lahaayeen, iyo sidii ay Ilaahay u caabudi lahaayeen iyaga oo dareemaya la jirka Ilaahay.
ILAAHAY U CAABUDA
Xertaasi waxa ay heli doonaan bogsiinta Ilaahay, iyo awooda Ruuxa Quduuska ah si ay u faafiyaan Warka Wanaasan ee Ilaahay.
Iftiinku Wuu Muuqan Doonaa
“Dadka aan Rajada lahaynin waxay arki doonaan Iftiin.
Dadka ku nool dhulka aan Rajada laynina waxay arki doonaan Iftiin.”
— Nebi Ishacyah